Ka tagida New Zealand | Leaving New Zealand
Qorshey ka hor inta aadan safrin
Ka hor u safrida dibada waxaa ku talineynaa inaad hubisid sharuudaha wadanka aad u safreysid. Hubi:
- websaydka rasmiga ee wadanka aad rabtid inaad gashid ama sii martid, ama
- wakiilka diblomaasiyada wadankaas uu jooga New Zealand.
Wadamo badan ayaa uga baahan safrayaasha inay isku isku-karantiilaan imaanshaha, tusiiyaan cadeynta tallaalida ama haystaan natiijada baaritaanka laga waayay COVID-19 ka hor inta aysan safrin.
Iska diiwaangeli SafeTravel. Haddii aad is diiwaangelisid, waxaad heleysaa ogeysiinta isbadelo walba ee lagu sameeyay tallada safarka.
Iska diiwaangeli sharaxaadahaaga ee SafeTravel (external link)
Shahaadada Tallaalka Safarka Caalamiga ah
Qof walba oo 12 sanno jir ah ama ka weyn oo qaatay kuure walba oo tallaalka COVID-19 ee lagu bixiyay New Zealand ayaa hadeer codsan karo Shahaadada Tallaalka Safarka Caalamiga ah.
Codsashada shahaadadaada waxay qaadataa kaliya 1-2 daqiiqo oo waxaa i-meel laguugu soo dirayaa 24 saac gudahood. Waxaad ku heli kartaa Shahaadadaada dhinaca Diiwaanka My Covid. Haddii aadan heli karin adeegaan, soo wac 0800 222 478.
Ogow wax ku saabsan Shahaadada Tallaalka Safarka Caalamiga ah
Baaritaanka bixitaanka hore haddii aad tageysid NZ
Wadamada qaar waxay uga baahanyihiin safrayaasha inay haystaan natiijada baaritaanka laga waayay COVID-19 bixitaanka ka hor.
Hubi sharuudaha wadanka aad u safreysid adiga oo la xiriirayo wakiilka sare, safaarada ama qunsulka ku yaalo New Zealand.
Tallo dheeraad ah oo safarka oo ka imaaneyso Wasaarada Caafimaadka (external link)
Last updated: at