Haddii ay kugu soo baxaan astaamaha COVID-19 intaaad booqanayso New Zealand | If you develop COVID-19 symptoms while visiting New Zealand

Ogow waxaa aad u baahan tahay inaad sameeyso haddii uu kugu dhaco astaamaga COVID-19 marka aad booqanayso New Zealand.

Imaanshaha New Zealand, waxaan kugula talineynaa inaad iska baartid COVID-19 haddii aad aastaamo qabtid. Waa inaad is gooniyeysaa 7 maalmood haddii lagaa helo baaritaanka. Baakidaha Soo dhaweynta oo ay ku jiraan xirmooyinka baaritaanka antijeenka degdega ah ayaa loo heli karaa ka qaadashada Biosecurity ka dib markaad timaado 

Hoos waxaad ka ogaaneysaa waxa ah inaad sameysid haddii aad isku aragtid aastaamaha COVID-19.

Qaado baadhitaanka

Haddii aad qabtid aastaamaha COVID-19, waxaad codsan kartaa RATs bilaash adiga oo ka dalbanayo onleenka oo ka qaadanayo aaga qaadashada.

Codso RAT oo bilaash ah (external link)

Ka hel goobta ururinta Baadhitaanka COVID-19 adiga kuu dhow | Healthpoint (external link)

Haddii aanad qabin astaamaha laakiin weli waxaad rabtaaa inaad qaadato RAT waxaad u baahan doontaa inaad iibsato baadhitaankiina goobta tafaariiqda sida qayb dukaamada ah, farmasiiyada ama subermaakadada.

Sida loo isticmaalo baadhitaanka degdega ah ee antijiinka

Haddii lagaa helo cudurka

Haddii cudurka lagaa helo, soo wac 0800 222 478 si loowargeliyonatiijada cudurka lagaa helay ee RAT. 

Haddii aad leedahay lambarka moobolka telefoonkaoo shaqaynaya, Wasaaradca Caafimaadka waxay ka soo diri doonaa qoraal lambarada rasmiga ah 2328 ama 2648 oo xaqiijinaya natiijadaada wanaagsan. Qoraalkan waxa uu bixin doonaa macluumaadka ku saabsan karantiilka iyo lambarka gaadhida ee foomka raad raaca xidhiidhka onlaynka ah.

Waxaad u baahan doontaa inaad iska baadho xarunta oo hel baadhitaanka PCR ka dib RAT. kaaga cudurka lagaa helay. Foorm ayaa iimayl laguugu soo diri doonaa adiga daabici kara ama muujin kara koobiga dhijitaalka ah xaga xarunta baadhitaanka.

Soo hel xarunta baadhitaanka COVID-19 | Healthpoint (external link)

1. Is-karantiilka

Waa masuuliyadaada inaad hesho meesha aad isku Is-karantiilka.

Waa inaad Is-karantiishaugu yaraan 7 maalmood marka aad bogsato. 7 daada maalmood waxay ka bilaabanaysa taariikhda aad isku aragto astaamaha ama taariikhda cudurka lagaa helay (midkii doonaa hasoo horeeyee). Haddii aanad u hogaansamin, waa lagu ganaaxi kara.

Waa inaad is-karantiisha halka aad ka helayso hoy kale. 

Arag haddii aad kordhin karto diiwaansashadaada hadda am u diyaar garow inaad hesho hoy kale. Waxaa lagaa filayaa inaad ku daboosho kharashyo dheeraad ah kordhinta joogidaada ama diiwaan sashadaada hoy kale. Hubi xeerka caymiska safarkaaga si aad u aragto haddii lagu daboolo.

Kumaa ubaahan inuu is go’doomiyo?

Dadka adiga kula joogo uma baahno inay is gooniyeeyaan. Waxaa loogu taliyay inay isbaaraan maalin walba oo 5 maalmood ah. Haddii laga helo baaritaanka, waxay u baahanayaan inay raacaan dhammaan sharciyada is gooniyeynta.

Haddii aanad joogi karin hoygaaga

Haddii aanad joogi karin hoygaaga hadda, waa inaad heshaa hoy kale. Hoyga karantiilka waxa uu noqon karaa mooteelada xayiran, huteelada, ama kaamka baabuurta lagu dhex dego. waa inay noqotaal.

  • Ku dhow halka aad joogto
  • iyaddoon lahayn xarumaha martida la wadaago.

Ka kari kartid:

  • U raac duulimaadka fasaxa ilaa hoygaaga.
  • Kaxeynta baabur u baahan masaafo dheer oo habeen la barinayo.
  • qaado baska badda ka dhex shaqeeyo jasiirada ama gaadiidka dad waynaha.

Gaadiidka gaarka ah waxaa loo isticmaali karaa si loogu safro hoygaaga kale. Waxa uu noqon karaa gaadhigaaga, ama waxaad kiraysan kartaa baabuur haddii tan la sameeyn karo lacag bixin aan la taaban iyo nidaamka qaadista.

Dib u qabso ama tirtir qorshayaashaada

La xidhiidh diyaaradaada ama hawl wadeenkaaga dalxiiska si aad jadwal uga samaysato qorshahaaysa safarka ama hawlaha. Fadlan ogow, ma jiraan waajibaadyada adeeg bixiyaha si dib loogu maalgeliyo ama jadwal dib loogu sameeyo qorshayaashaada. 

Waxa la sameeynayo marka la iskarantiimaynayo

Inta aad is karaniilayso:

Iska ilaali inaad taabato dadka aad la joogto, tusaale ahaan meel gaar ah seexo, xadid wakhtiga aad meelo la wadaagto. Haddii aanad karin, joog ugu yaraan 2 mitir isku jirta oo xidho maaskaraha wejiga marka ay u dhow yihiin kuwa kale.

Dharkaaga dhaqo.

  • Si joogto ah u nadiifi sagxadaha, ay ku jiraan sheeyada inta badan la taabto, sida gacmaha albaabada, batanada nalka, telefoonada.
  • Fur daaqada si aadu kordhiso qulqulka hawada.
  • Hel sheeyada la soo diray, sida cuntadda iyo dawooyinka.
  • Ka soo shaqee dhanka hoygaaga haddii aad awoodo inaad sidaas samaeeyso.

Marka la is karantiilka, haka:

  • bixin hoygaaga sabab kasta ha ahaatee (hal ka mid ah sababa hoose ee la oggolaado mooyaane)
  • u bax si aad u hesho cunto ama dawo
  • la wadaag sheeyada kuwa kale ee qoyskaaga — tusaale ahaan suxuunta, burushka caddayga, iyo tuwaalada.
  • tegida meelaha dad waynaha
  • isticmaalka gaadiidka dad waynaha ama tagsiga iyo baabuurta raacida la wadaago
  • la joogida booqdayaal, laga reebo dadka ku siinaya daryeelka lama huraanka adiga ama qof qoyskaaga ah.

Sababaha la oggolaaday inaad meeshaada karantiilkakarantiilka ama karantiinka ka tagto.

Waxaad ka tegi kartaa hoyagaaga haddii aad had iyo jeer xidhato maaskaraha wejiga si aad:

  • uga warbixiso, oo aad u marto, baadhitaan kasta oo caafimaadka iyo baadhitaanka loo bahaanyahay
  • aad hesho adeega caafimaadka lama huraanka ah ee daawaynta aan sugi karin ilaa ka dib muddada karantiilka ay dhammaato
  • u guurto meel kale oo karantiilka ah si loo dhowr noloshaada iyo mida dadka kale, caafimamadka, badbaadada 
  • Ku jimicso dibada gudaha xaafada aad joogto – ha isticmaalin xarunta jimicsiga la wadaago, sida berkadda dabaasha
  • booqato qaraabo dhimanaysa oo aan laga filayn inay ku noolaato meel ka fog muddadaada karantiilka 
  • booqato koox qaraabo ah ka hor aaska dhimashada ama xaflada geerida haddii inaad
  • booqato kooxda ka dib muddadaada karantiilka.

2 Xidhiidhka raad raaca

U sheeg dadka inaad qabto COVID-19

U sheeg dadka aad la joogto, adeeg bixiyaha hoygaaga, dadka aad wakhti la qaadatay, iyo xidhiidho kale oo dhow inaad qabto COVID-19. 

Sida dadka loogu sheego inaad qabto COVID-19 | covid19.health.nz (external link)

Buuxi foomka xidhiidhka onlaynka ah ee raad raaca xidhiidhka

Buuxi foomka raad raaca xidhiidhka Wasaarada Caafimaadka addoo isticmaalaya lambarka koodhka gelida 6 god ah oo aad ka heshay fariinta ka timid lambarada rasmiga ah ee 2328 ama 2648. Waxay qaadan doontaa 5 ilaa 10 daqiiqo in la buuxiyo. 

Buuxi foomka raad raaca xidhiidha | Wasaarada Caafimaadka (external link)

3. Helida taageerada

Haddii aad u baahan tahay cunto ama dawooyin

Haddii aad u baahan tahay cunto ama saadka lama huraanka ah marka aad is is-karantiilka, waydii qoyska ama saaxiibada inay kuwan kuu soo tuuraan. Waxaad sidoo kale dalban kartaa saadka onlaynka oo habayso soo dirada aan la is taabanayn.

Haddii aad u baahan tahay talada caafimaadka

Haddii aad talo u baahan tahay wax ku saabsan sida loo daweeyo astaamahaaga ama astaamaha ka sii dararaya, soo Healthline. Waxaad codsan kartaa adeegyada turjumaada.

Haddii aad u baahantahay daryeelka caafimaadka

Waxaad bixin kartaa lacagta daawaynta caafimaadka. Waxaanu ku dhiirigelinaynaa booqdayaasha inay iibsadaan caymiska safarka dhammayska tiran ka hor safarka.

Haddii aad tahay muwaadin Australiyaan ah ah ama Qof si joogta ah U degen ama aad tahay muwaadin Ingriis ah, waxaa jira heshiiska soo noqda ee caafimaadka taas waxay la macno tahay inaad bixinayso waxa reer New Zealand ka bixiyaan daryeelka caafimaadka.

Safaaradaadu waxay awoodi kartaa inay ku caawiso

Ka feker xidhiidhka Safaaradaada, Qunsuliyada ama Wakiilada Sare ee Dowladda haddii aad tagto cusbitaalka ama u baahan tahay caawimada qunsiliyada.

Safaaradaha ajnabiga ah gudaha NZ | Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Ganacsiga (external link)

gudaha gurmadka

Haddii aad u baahan tahay caawimo degdeg ah, soo wac 111 isla markaaba. U sheeg iyaga inaad qabto COVID-19 markaad wacdo. Tan waxaa ka mid ahaan kara haddii adiga ama qof kale oo aad danayso uu qabo:

  • dhibta neefsashada
  • xanuunka daran ee xabadka.
  • suuxida ama in la miyir beelo.

4. Joojinta karantiilka

Waxaad joojin kastaa karantiilka 7 maalmood ka dib

Haddii aanad weli caafimaad qabin, joog hoygaaga ilaa 24 saacadood ka dib marka aanad lahayn wax astaamo ah. 

Uma baahnid inaad sugto fariinta rasmiga ah si aad uga baxdo go’doominta. 

Uma baahnid in lagu baadho -natiijada waxaa dhici karta in lagaahelo laakiin taas lama macno aha inaad faafinayso.

Ka dib marka aad bogsatay

Ka dib marka aad ka bog saray COVID-19 oo aad ka baxdo karantiilka, waxaa jira dhowr shay oo aad sameeynayso oo nidaya ku hay bogsashadaada.

Ka dib marka uu kugu dhacay COVID-19

Ka hor inta aanad u safrin guriga ama meel kale
Hubi haddii aad u baahan tahay baadhitaanka COVID-19 ee aan cudurka laga helin, ama shahaadada caafimaadka xaqiijinaysa inaad bogsatay ka hor safarkaaga. Haddii aad dhawaan ka bogsatay COVID-19, baadhitaankaagu waxa uu muujin karaa natiijada in cudurka lagaa helay. 

Haddii lagaa waayo

Haddii lagaa waayo laakiin aad qabto astaamaha COVID-19, joog guriga, oo qaado RAT kale 48 saacadood ka dib. Haddii astaamahaagu ka sii daraan, ka soo wac Healthline:

Haddii aay suuragal tahay qof qaba COVID-19 inuu helo natiijada aan laga helin cudurka ee RAT. Tani waxay noqon kartaa sababtoo ah inaanay ku jirin fayras ku filan muunadan, ama sababtoo ah baadhitaanka si sax ah looma qaadin.

Last updated: at