Taageerada shaqsiyaadka iyo qoysaska | Support for individuals and families
Fayo qabka maskaxda
Haddii aad dareentid inaadan ka soo kabsaneynin, waa muhiim inaad la hadashid xirfadlaha caafimaadka.
Sida loo daryeelo fayo qabka maskaxdaada
Waxaa jiro dhoor waxyaabo oo aan dhammaanteen sameyn karno si aan u xoojino fayo qabka maskaxda iyo midka qaraabadeena:
- Ku xirnaaw saaxibada iyo qoyska — tani waxay muhiim u tahay fayo qabkeena oo naga caawisaa inay na dareensiiso badqab, murugo yar iyo walaac yar.
- Qiro dareemahaaga — gabi ahaanba waa caadi in la dareemo buux dhaafid, murugo, walaacid, walwal ama cabsi. U ogolow nafsadaada waqti aad ku ogaatid oo aad ku sheegtid waxa aad dareemeysid.
- Joogtey jadwalada meesha suurtogalka ah — isku day inaad aasaastid joogtada qaar ee noloshaada iyo isku day inaadan kordhin dhaqamada aan caafimaadaneyn sida cunista raaxada ah, qamriga, sigaar cabida ama sigaarka korontada.
- Fiiri dadka kale oo laga yaabo inay u baahanyihiin caawin — wacyigelinta kuwa laga yaabo inay murugo iyo walaac dareemayaan ayaa ka faa’ido karo labadaba adiga iyo qofka helayo taageerada.
- Xadey waqtigaaga onleenka — fiiri warbaahinta iyo warbaahinta bulshada waqtiyo gaar ah hal jeer ama labo jeer maalintiiba.
Cida aad la hadli kartid
Waxaa jiro qadad caawin ee la heli karo ee siiyaa taageero, warbixin iyo caawin qof walba ee la dhibaatoonayo fayo qabka maskaxda. Dhammaan adeegyada waxaa la heli karaa 24 saacadood maalintiiba, 7 maalmood isbuuciiba.
Adeegyada iyo taageerada
Waa CAADI in la weydiiyo caawin. Inaga oo kawada shaqeyneyno midaan inta lagu jiro, waxaa jiro dad iyo hay’ado u suurtogaleyso inay adiga ku taageeraan. Halkan waxaa ah talooyin kala duwan, caawimo, ama taageero haddii loo baahdo. Haddii aadan ku hadlin af Ingiriis, waxaad weydiin kartaa turjumaan markii aad soo waceysid inta badan waaxyada dowlada.
Last updated: