Isku karantiilkaguriga | Isolating at home
Inta lagu jiro 5 ta maalmood ee iskarantiilka lagu talliyay
Haddii aad iska heshid baaritaanka COVID-19, waxaa laguugu talliyay inaad iskarantiilka 5 maalmood, xittaa haddii aad leedahay kaliya aastaamo fudud, oo ka bilaabanayo Maalinta 0.
Maalinta 0 waa maalinta aastaamaha bilowdaan ama markii lagaa helo cudurka, mid walboo soo hormara. Tan ayaa micnaheeda ah waa inaadan aadin shaqada ama dugsiga.
Haddii aad u baahantahay inaad ka tagtid gurigaaga inta lagu jiro 5 taada maalmood ee muddada iskarantiilka lagu talliyay, aad ayay muhiim u tahay inaad ka taxadarto si aad uga hortagtid ku faafida COVID-19 dadka kale.
Waa inaad xirataa maaskaro marwalbood ka tageysid guriga.
Waa inaad booqan xarunta daryeelka caafimaadka (marka laga reebo helitaanka daryeelka caafimaad), xarunta daryeelka dadka waayeelka, ama aadan taaban qof walba oo halis ugu jiro inuu si daran ula xanuunsado COVID-19.
Waa inaad kala hadashaa badroonigaaga ku soo laabashada shaqada ama maamulaha dugsigooda ee ku laabashada canugaaga ee dugsiga, maadaama laga yaabo in badroonigaaga ama dugsigaaga kugu laasimin taxadar dheeraad ah.
Haddii aad ku nooshahay dabaq ama guri qeybo badan
Haddii aad ku nooshahay dabaq ama guri qeybo badan, waa inaad raacdaa isla tallada iskarantiilka ee boggaan:
- ku xiro maaskaro aagaga la wadaago haddii aad u baahantahay inaad ka tagtid dabaqaaga, tusaale ahaan, adoo isticmaalayo dharka la wadaago
- baaxada jireed ee dadka kale ee ku jiro dhismaha dabaqa
- aadan la isticmaalin wiishka qofna
- aadan isticmaalin aagaga la wadaago sida jiimamka, darjiimada ama qolka biyaha adoo isgooniyeynayo.
Haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah, waa inaad raacdaa nidaamyada taxadarka caadiga ah — aad maaskaro wadatid markaad albaabkaaga taagantahay adoo diyaar u ah bixitaan lacala.
Iskarantiilka carruurta wehliso
Waxaa jiro qaabab kaloo fudud ee kaa caawinayo yareynta halista faafinta COVID-19 markii aad isla gooniyeyneysid carruurtaada.
Haddii aad qabtid COVID-19 laakiin carruurtaada aysan qabin, ama si la mid ah waa inaad:
- yareysaa xiriirkaaga iyaga aad la leedahay meesha aad awoodo
- seexatid qol ka gooni ah canuga haddii ay suurtogal tahay
- ka fogaatid taabashada dadka kale ee gurigaaga ku sugan meesha suurtogalka ah
- xiro wejiga xirka marka aad qol aad kula jirto dad kale
- u furtid daaqadaha hawada.
Waan fahamsannahay in qaar ka mid ah kuwaan laga yaabo inaysan suurtogal aheyn, gaar ahaan carruurta yaryar. Maaskaraha wajiga iyo hawo siinta ayaa si gara ah muhiim ugu ah yareynta faafida COVID-19.
Jimicsiga
Waxaad ku jimicsan kartaa meel ka baxsan gurigaaga adoo is gooniyeynayo. Waxaad ku jimicsan kartaa xaafadaada, laakiin aadan isticmaalin xarunta la wadaago, sida barkada dabaasha ama jiimka. Waa inaadan la jimicsan dadka kale illaama ay ka qeybyihiin qoyskaaga.
Maanka ku haay inaad:
- ka fogaatid dadka kale
- aad joogteysid jimicsi dabacsan, aad garaneysid.
- qaado maaskaraha wajiga — uma baahnid inaad xiratid maaskaraha wajiga, laakiin waxaad ku dareemi kartaa raaxo inaad sidaas sameysid.
Last updated: at