Baaris | Testing
On this page
Haddii aad qabto hergabka ama calaamadaha hergab oo kale, fadlan jog guriga oo si lacag la’aan ah ku wac Khadka Cafiimaadka (Healthline) 0800 358 5453 ama dakhtarkaaga wixii talo ah oo ku saabsan barista. xusuusnow, baarista waa lacag la’aan.
Waa muhiim in laga ogaado fayiska meel walba oo bulshadu uga jiro. Taasi micnahdeeu waxa waaye inaan qof walba weydinayno astaamaha COVID-19 si loo baaro, haddii aad tahay muwaadin New Zealand, degane ama booqde.
Baarista iyo daryeelka COVID-19 waa lacag la’aan waxana heli karaa qof walba oo jooga New Zealand oo uu ku jira qof walba oo aan heysanin dalka ku gal aan sax aheyn.
Macluumaadkaaga ma la a wadaagi doono socdaalka New Zealand, xitaa haddii lagaa helo.
Ma u baahnid Lambarka Tusmo-xisaabka Caafimaadka Qaranka (NHI) ama inaad tusto Aqoonsigaaga si loogu baaro. Waxaa laga rabaa inaad la wadaagto macluumaadka faafaahinta lambarkaaga dadka sameeynaya barista si ay kugula soo socodsiiyaan natiijooyinka barista.
Halka aad ka heli karto Baarista
Meelaha aad iska baari karto ayaa si joogto ah isku beddelan. Meesha ugu wanaagsan ee lagu heli karo liiska hadda waa Guddiyada Caafimaadka ee Degmooyinka ee degmadaada iyo Qeybaha Caafimaadka Dadweynaha.
Macluumaadka ayaad halkan ka heli kartaa
Jasiirada Waqooyi
- Goobaha baadhitaanka Northland (external link)
- Goobaha baadhitaanka Auckland (external link)
- Goobaha baadhitaanka Waikato (external link)
- Goobaha baadhitaanka Wellington iyo Kapiti Coast (external link)
- Goobaha baadhitaanka Hutt Valley (external link)
- Goobaha baadhitaanka Wairarapa (external link)
- Goobaha baadhitaanka Hawkes Bay (external link)
- Whakatane, Bay of Plenty, Rotorua iyo Goobaha baadhitaanka Taupo (external link)
- Goobaha baadhitaanka Mid Central (Otaki, Levin, Palmerston North, Fielding iyo Dannevirke) (external link)
- Goobaha baadhitaanka Tairāwhiti (Gisborne) (external link)
- Goobaha baadhitaanka Taranaki (external link)
- Goobaha baadhitaanka Waitematā (external link)
- Goobaha baadhitaanka Whanganui (external link)
Jasiirada Koonfureed
Sida baadhitaanku u shaqeeyo
Haddii aad u baahan tahay inaad iska baarto COVID-19, muunad ayaa laga qaadaya.
Waxaa jira wax ka badan 1 qaab oo loo qaado muunad. Habka ugu caansan waa in sankaaga qeybta dambe la galiyo suuf. Suuf sida ul dheer oo kale ah.
Bunada waxaa loo qaadaya shaybaarka si loo baaro. Natiijada shaybaarka waxay qaadaysaa xooga waqti ah.
Marka lagu baaro waxaa lagu sheegi doonaa marka sida loo filanayo natiijooyinka. Haddii lagaa helo iyo haddii kale, waxaa lagu sheegi doonaa wax ku saabsan natiijooyinkaaga.
Haddii aad joogto Auckland waa inaad joogtaa gurigaaga oo aa is go’doomisaa ilaa aad ka hesho natiijooyinkaaga.
Inta badan dadka dibadda Auckland uma baahna inay is-godoomiyaan inta ay sugayaan natiijada baarista – xirfadlahaaga caafimaad ayaa kaala talin doona tan.
Waxaa lagu weydin doonaa inaad is-godoomiso haddii:
- dhawaan u safartay dibadda
- xiriir la laheyd qof dhowaan safaray
- xiriir dhaw laheyd qof lagu xaqiijiyay kiiska COVID-19.
Haddii lagu baaro waa inaad raacdaa tallada lagu siiyay ee ku saabsan waxa la sameeynayo.
Maxaa dhacaya haddii laga helo
Haddii laga helo shaqaalaha caafimaadka ayaa kuu soo waacay si ay kaagala hadlaan waxa ay adiga kaaga dhigan tahay, oo ay ku jirto:
- inta aad u baahan tahay inaad ku jirto is-go’dminta
- diyaarinta is-go’doominta iyo lambadara qoyskaagaa
- dhammaan dadka aad la xiriirtay dhawaan
Waxaa lagu sheegi doonaa inaad tagto xarunta dowladda inta aad xanuunsan tahay. Tani waxay u fududeneysaa in qoyskaaga la tageero oo la yareeyo fursadaha faafida fayraska. Waxay ka caawinaysaa qoyskaaga iyo bulshadaada inay ka badqaaban COVID-19.
Haddii ilmahaaga ama waalidkooda ama xanaaneyahooda uu ku dhaco COVID-19 oo ay u baahan yihiin in la karantiilo, waxaan ka shaqeeyn doonaa inaad xaqiijino inay carruurta badqabkaan inta ay ku jiaan daryeelka waalidiintooda ama xanaaneyahooda.
Waxaad xor u noqon doontaa inaad baxdo marka aad caafimaado.