Taageerada cuntada, lacagta, nolosha iyo badqab iyo caafimaad | Support with food, money, living and staying safe and well
On this page
Helida cuntada
Haddii aanad ka tegi karin gurigaaga si aad u hesho cunto. Arag haddii samayn karto:
- dalabyada online-ka ah iyo qaban qaabooyinka suuq weynaha iyo ahmiyadooda adeega caawinta
- qaban qaabooyinka lala samaynayo qoyska iyo saaxiibada si loo qaato cunto.
Caawinta gaqaakaga lagu helayo cunto
Waxaad awoodi kartaa inaad caawin kahesho Shaqada iyo Dakhliga dhexdeeda. Uma baahnid ahaato macmiilka jira ee Shaqada iyo dakhliga.
Baahiyaha degdega ah ee cuntadda
Haddii xaaladaadu degdeg tahay oo aad u baahan tahay cunto gudaha 24 saacadood ee xiga, waxaa la xiriiri kartaa kaydka cuntada deegaanka.
Ka hel kaydka cuntooyinka iyo adeegyada kale ee cuntadda gudaha New Zealand oo dhan (external link)
Ka caawi lacagta
Ka caawinta kharashyada aasaasiga ah
Haddii aad wayday shaqadaada ama saacadahaaga la yareeyay Shaqada iyo dakhligiga waxaa lagaa caawin karaa kharashyada degdega ah sida:
- cunto
- kharashka hoyga, tusaale ahaan kirada ama daynsiga guriga, jiifka guriga, guriyaynta degdega ah, kolba meel u guurida
- dib u sameeynta ama beddelida qalabyada
- daaweynta degdega ah ee ilkaha
- daawaynta caafimaadka degdega ah
- dib u buuxinta taangiga biyaha.
Ama la xiriir Shaqo iyo dhakhli (Work and Income);
- 0800 559 009
- Waayeelka 65+ 0800 552 002 or +64 4 978 1180
- Ardayda 0800 88 99 00
- www.studylink.govt.nz (external link)
Dhegoolaha, qofka maqalka ka liita, iyo dadka hadalka la liita waxay isticmaali karaa Linkiga dhegoolaha bilaash.
- Fagas 0800 621 621
- Fariinta qoraalka ah 029 286 7170
- MSD_Deaf_Services@msd.govt.nz
Haddii aanad ahayn qof joogto u degen New Zealand
Caawinta waxaa loo heli karaa muwaadiniinta ajaanibka ah ee uq alanta ee la kulmaya dhibaatada dhaqaale ee halista ee uu sababay COVID-19.
Haddii aad New Zealand ku joogto fiise ku meel gaar ah oo ay ku jirto:
- fiisaha booqdaha
- fiisaha ardayga
- fiisaha shaqada.
Wixii faafaahin dheeraad halkaan ka hel: https://foreignnationals.services.govt.nz/ (external link)
Sidoo kale waad uq alantaa haddii aad ku joogto fiisaha Loo shaqeeyaha La aqoonsan yahay ee Xiliyeed (RSE).
Waxaad aad ku joogto fiisaha RSE, waa inaad kala hadashaa loo shaqeeyahaaga waxa ku saabsan codsashada caawimada. Loo shaqeeyahaagu waa inuuw aco Laan qayrta Cas (Red Cross) lambarka 0800 733 276 (dooro doorashada 1).
Taageerada kale
Adeegyo kala duwan ayaa la heli karaa si ay kaaga caawiyaan inaad badbaado oo caafimaado.
Macluumaadka dheeraadka ah ee us haqaynta si badbaado leh
WorkSafe 0800 030 040 or +64 4 897 7699
www.worksafe.govt.nz (external link)
Talada shaqada iyo taageerada shaqaalaha
www.employment.govt.nz (external link) ama soo garaac 0800 20 90 20 ama +64 9 969 2950
Guriyaynta iyo Kirada
Talada iyo taageerada kireystayaasha 0800 646 483 www.hud.govt.nz (external link) ama iimail info@hud.govt.nz
Adeegyada hoyga ku meel gaadhka ah ee dadka barackay iyaddoo ay sababtay Heerka 3 ama 4 COVID-19 xayiraadaha safarka oo aan awoodin ay ku soo laabtaan guryahooda 0508 754 163 https://temporaryaccommodation.mbie.govt.nz (external link)
Haddii aad guri si degdeg ah ugu bahaato toddobaad ee soo socda oo aadan heysanin meel kale oo aad joogto, Wac Shaqda iyo Dakhliga 0800 559 006:Isniinta, Talaado iyo Jimco - 7am ilaa 6pm iyo 8am ilaa 1pm
Laanta socdaalka
Booqo www.immigration.govt.nz/about-us/covid-19 (external link) ama soo wac xarunta xiriir Laanta socdaalka (6 subaxnimo – 10 habeenimo, Isniinta – Jimcaha NZST) khadadka laymanka telefoonka oo keliya 0508 558 855, ama Auckland 09 914 4100, Wellington 04 910 9915, ama wadamada dibada +64 9 914 4100
Ku joogida badbaadiyo iyo fayo qab
Soo wac khadka Gurmadka 111 haddii adiga ama qof kale uu khatar degdeg ah ugu jiro in waxyeelo gaadho oo ay naftooda waxyeelayaan.
Haddii aadan ku jiri halis degdeg laakiin aad u baahan tahay in laga caawiyo rabshada qoyska waxaad wici kartaa:
- Shakti International on 0800 742 584 24 saac maalintii, 7 toddobaadkii
- 2Shine on 0508 744 633, 9am ilaa 11pm, 7 toddobaadkiiba
Adeegyada taageerada deegaanka ee aagaaga, soo wac the Family Services 211 khadka caawumada 0800 211 211 ama booqo www.familyservices.govt.nz/directory/ (external link)
Women’s Refuge ayaa talo ku siin karta, taageero iyo hoy badbaado ah marka ay jirto rabshad noloshaadu ku jirto. 0800 733 843
Khadka tooska ah ee Ku xad gudubka Waayeelka waa adeeg bilaash ah oo dadka waayeelka ah ay la soo xidhiidhi karaan haddii iyaga ama qof kale oo ay garanayaan ay la kulmaan ku xad gudubka waa yeelka 0800 32 668 65.
Ka taageerida welwelka, walbahaarka ama caafimaadka dhimirka, soo wac ama fariin qoraal ah u dir 1737 si aad ula hadasho qof u tababaran si lacag la`aan ah kuugu caawiyo, 24 saacadood maalintii, 7 maalmood todobaadkii.
Waxaad sidoo kale la xiriir kartaa Khadka Tooska ah ee caawinta Walbahaarka 0800 111 757 ama Khadka tooska ah ee Khamarada Maandooriyaha 0800 787 797.