Qorshaha dib u soo noqoshada ee xagaaga COVID-19 | National COVID-19 summer resurgence plan
On this page
Xagaaga dadka reer New Zealand waxay safraan wadanka oo dhan, way isku yimaadaan, waxayna tagaan xafladaha waa wayn, iyagoo kordhinaya faafida suuragalka ah ee COVID-19 gudaha bulshadda. Muddada fasaxyada, tani waxay sameeyn kartaa jawaab kasta oo aad u dhib badan -- laakiin qorshe ayaanu haynaa.
Qorshahyaga caadiga ah sida loo yareeyo khatarta ee loo diyaar garoobo ee looga jawaabayo COVID-19.
Yaree, Diyaari, Jawaab
Sidee ayaan ku yarayn karnaa khatarta, ee loo diyaar garoobo ee looga jawaabo xaaladaha cusub ee COVID-19.
Yaree — maxaad sameeyn kartaa
Waxa aad sameeyn karto si aad u yarayso khatarta xaaladaha cusub ee COVID-19:
- Daar raad raaca Bluetoofh ee app-ka Raad raacaha NZ COVID.
- Sawir saar lambarada QR meel kasta oo aad gasho.
- Dhaq gacmahaaga oo qalaji gacmahaaga.
- Ku qufac ama ku hindhis suxulkaaga.
- Guriga joog haddii aad jiran tahay, oo soo wac Healthline ama dhakhtarkaaga inuu arko waxa ku saabsan baadhitaanka.
- La safar “agabka COVID-19” — saabuun, nadiifiyaha gacanta iyo wejiga daboolka.
Diyaar ah — agabkayaga
Sida aanu ku diyaarin karno agabkayaga.
- Tallaabooyinka gelida xadka: Go’doominta la maareeyay & Karantiika, iyo shaqada baadhitaanka.
- Raad raaca xidhiidhka: Xogta NZ COVID Tracer abka/Bluetooth iyo batanka wargelinta, iyo xoogsatada wicida ah.
- Baadhitaanka bulshadda: Bartilmaameedka baadhitaanka ee xidhiidhada, baadhitaanka ka daba shaqaynta, goobo cusub oo baadhd ah, iyo wicitaanka shaqaalaha.
- Daboolada wejiga: Halka fogaanta jidhka aanay suuragal ahayn.
- Isbeddelka Heerka Digniinta: Lagu xayiray xad si loo xakameeyo fayraska, ama wadanka oodha.
Jawaabta — sida aanu u jawaabi lahayn
Sida aanu u jawaabi lahayn haddii cudurka soo laabto mar kale.
Wejiga 1: Qiimaynta:
Xaalada bulshadda la xaqiijiyay iyo khatarta gudbinta la qiimeeyay.
Wejiga 2: Jawaabta degdega ah
Haddii loo baahdo, Wasaarada Caafimaadka Qorshaha Soo noqoshada COVID-19 iyo jawaabta Soo noqoshada Qaran Qorshaha Jawaabta la daaray. Goobta iyo ilaa xadka khatarta fafida cudurka la qiimeeyay.
Kooxda hogaanka dowladda dhexe haddii aan tallaabo dheeraad ah loo baahanayn, ama ka warhaynta xaalada, ama ka shaqaysiiya jawaabta nidaamka.
Wejiga 3: Jawaabta Waarta
Haddii nidaamka jawaabka la kiciyo, kooxda dowladda dhexe iyo hoose, anaga iyo hogaamiyayaasha bulshadda waxaanu la shaqaynaa Difaaca Madaniga ah ee maxaliga ah iyo Maamulka Gurmadka ah si loo maareeyo faafida, ay ku jiraan:
- jawaabta degdega ah ee caafimaadka dad waynaha
- daryeelka dadka itaalka daran iyo bulshadda
- taageerada ganacsiyada
Muuqaalada dib u soo noqoshada
COVID-19 waa fayras khiyaamo badan — waxaanu wax badan ka baranay waayo aragnimadayada ilaa hadda, laakiin waxaanu haynaa qayb lagu ciyaaro joojinta faafida.
“Baadhitaankayaga”, raacida iyo habka karantiilka waxa uu xooga saaraa in la awoodo in dad badan la baadho oo si degdeg ah loo raad raaco oo loo karantiilka xidhiidhada. Ma saadaalin karno halka ama sida xaalada cusub ay uga muuqan karto bulshadda, laakiin waxaanu sameeynay wax badan oo qorshayn ah si wax looga qabto xaalado badan oo suuragal ah.
Marka jawaab kasta ay ku xidhnaan karto duruufaha sida goobta ama wakhti qabashada, waa wax faa’iido leh ina loo maleeyo 3 muuqaal xagaaga.
Muuqaalka 1: Xaalada la xakameeyay ee xadka
Shaqaalaha xadka cudurka laga helo maadama ay ka qayb yihiin baadhitaanka caadiga ah.
Raad raaca xiriirka degdega ah waxay heshaa qofka inuu dhaqaaqiiso xadidnaa oo dhowr xidhiidh ah la sameeyay dadka marka aanu shaqada joogin.
Tani waa baadhitaan caadi ah, raad raacid iyo xaalad karantiilnimada.
New Zealand waxay si dhici karta ugu jiraysaa Heerka Digniinta 1. Fasaxyada xagaaga waxa dhici karta inaan la kala jarin.
Waxa aad sameeyn lahayd
Kalaa soco wararka cusub ee websaydkan iyo boggayaga Facebook.
Si madaysan uga soo horjeesta COVID-19 bogga Facebook (external link)
Qaybta Jawaabta qaranka ee suuragalka ah
Qofka cudurka waa laga helay intii uu ku jiray fasaxa xerada.
Baadhitaanka hore ayaa wuxuu sheegayay qofka inuu ahaa shaaqalaha xadka. Waxaa jirta fursad fiican in xidhiidhka raad raaca ah uu aqoonsan doono qof kasta oo cudurka qaba.
Baadhitaanka maxaliga ah ama gobolka wuu kordhi doonaa.
Xayiraadaha xooga la saarayo iyo/ama Heerka Digniinta way isbeddeshaa sida suuragalka ah. Dadka meelaha durugsan kaamamka ka samwwysta waxaa la waydiin doonaa inay raacaan talada rasmiga ah.
Waxa aad sameeyn lahayd
Raac talada rasmiga ah, daawo wixii ah ogaysiiska saxaafada oo isha ku hay websaydkan.
Muuqaalka 3: Jawaabta suuragalka ah ee qaranka
Qofka cudurka waa laga helay ka dib markay guriga ubaxaeeyn xaflad muusiga oo wayn gudaha gobol ka duwan.
Baadhitaanka may helin wax xidhiidhka xadka ah. Tiro badan oo dadka ah ayaa suuragal ahaan ay gaadhay xaflada oo hadda waxay ka safreen gobolka. Waxaa jirta khatar sare oo gudbinta ah wadanka oo dhan.
Sifada xaflada waxay adkayn doontaa aqoonsashada xidhiidhka dhow. Awooda baadhitaanka waa la kordhin doonaa wadanka oo dhan.
Isbeddelka Heerka Digniinta wadanka oo dhan waa suuragal. Dhacdooyinka waa la tirtiri karaa, dadka reer New Zealand waxaa la waydiisan karaa inay joogaan halka ay kaga jiraan dadkooda marka ay sugayaan talada rasmiga ah.
Waxa aad sameeyn lahayd
Raac talada rasmiga ah, daawo wixii ah ogaysiiska saxaafada oo isha ku hay websaydkan.
Soo deji qorshaha dib u soo noqoshada
Xagaaga aan la koojin karan, qorshahayaga si loo maareeyo COVID-19 (external link)