Ku noolaanshaha heerka1 | Living at Level 1
On this page
COVID-19 weli wuu jiraa
Qof kasta oo jooga New Zealand waxa uu u baahan yahay:
- inay dhaqaan oo qalajiyaan gacmahooda si joogto ah si ay u dilaan fayraska. Isticmaal saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 sikin. Si buuxda u qalaji.
- Dabool qufaca iyo hindhisada, tusaale ahaan adoo ku qufacaya ama ku hindhisaya suxulkaaga.
- Haddii aad qabto hargab ama astaamaha hargabka guriga joog, soo wac dhakhtarka ama Healthline oo talo ka hel ku saabsan in lagu baadho. Ha safrin, tag dugsiga ama tag shaqada.
- Raad raac halka aad tagto iyo cida aad aragto. Isticmaal abka Raad raacaha NZ COVID, buug yaraha raad raacaha COVID-19, ama qoraalada qoran.
Talada ku saabsan in lagu baadjo
Talad aku saabsan raad raaca taabashada
Talada ku saabsan fayraska iyo astaamahiisa
Daboolada wejiga
Weji daboolida waxay caawisaa adiga iyo kuwa kale inaad badbaado ku joogtaan oo waxay ku siisaa ilaalinta dheeraadka ah halkaas oo ay jirto in yar ama aanay jirinba wax kala fogaanshe jidhka ah oo u dhexeeya dadka, tusaale ahaan gaadiidka dad waynaha iyo subarmaarkadada.
Heerka 1 ee Digniinta, badanka dadka waxaa looga baahan yahay inay xidhaan weji daboolida marka ay ku safrayaan duulimaadka guddaha meel kasta oo New Zealand ah. Tan kuma jirto duulimaadyada gaarka ah.
Weji daboolida sidoo kale waxaa looga baahan yahay dhammaan gaadiidka dad waynaha tagaya, ka imanaya iyo sii maraya Auckland. Taas waxaa ku jira tareemada, basaska, iyo baska badda iyo darawalada baabuurta yaryar ee rakaabka sida tagsiyada iyo Uber. Sidoo kale waxaa lagu daraa baska masaafada fog iyo safarada tareenka.
Dibada Auckland waxaad si aad ah loogu talinayaa inaad xidhato maaskareetada wejiga ama daboolka meelaha xidhan ay ku jiraan gaadiidka dad waynaha laakiin lama cosanayo.
Dadka qaar waxay ka reeban yihiin xidhashada daboolada wejiga, tusaale ahaan kuwan qaba xaaladaha caafimaad qaarkood.
Talada iyo ka reebitaanada maasgareetada iyo daboolada wejiga
Isku imaanshaha
Ma jiraan xayiraadaha isku imaanshaha. Kuwan waxaa kamid ah aaska, arooska, isku imaanshaha diimeed iyo bulsheed, ciyaaraha iyo raaxaysiga.
Ilaali fogaantaada
Digniinta Heerka 1, COVID-19 waa la xakameeyaa. Weli waa fikrad wanaagsan in loo jirsado fogaan badbaadado ah dadka aanad aqoon marka baxdo. Tani waxay caawin doontaa yaraynta faafida COVID-19 haddii xaaladuhu ay ka muuqdaan gudaha bulshadda.
Shaqada iyo ganacsiga
Ganacsiyada iyo goobaha shaqada waxay u hawl geli karaan si caadi ah. Waa inay muujiyaan Raad raacaha NZ COVID QR lambarkaoo bixiyaan nidaamyada raad raac axidhiidha dhisme kasta.
Safarka iyo gaadiidka
Gaadiidka dad waynaha waa inay muujiyaan lambarka QR oo ah xidhiidhka raad raaca.
Haddii aad jiran tahay soo wac dhakhtarkaaga ama Healthline wixii ah talada baadhida ka hor safarka. Guriga joog oo is baadh haddii la waydiiyo.
Waxbarashadda
Dugsiyada, adeegyada barashada hore iyo waxbarashadda dugsiga sare ka dambaysa waxay u furmi kartaa si caadi ah. Waa badbaado in carruurta dugsiga loo diro.
Helida macluumaadka saxda ah
Wakhtiyad qaarkood macluumaadka si ula kac ah ayaa loo daabacaa si loo marin habaabiyo oo loo khiyaameeyo dadka. Tan waa nagu lid anaga wakhtiga marka aanu ubaahanahay inaan wada shaqayno si aan uga guulaysano fayraska.
Talada ku saabsan helida macluumaadka saxda ah
Xayiraadaha xadka
COVID-19 weli waxa uu wadamada dibada ka yahay mid aan la xakamayn. Tallaabooyinkeena xadku weli waa diyaar si loo yareeyo khatarta COVID-19 ee ka imanaysa wadamada dibada.
Dadka soo gelaya New Zealand waa inay tagaan xarunta karintiimada ilaa ka reebitaan laga siiyo. Haddii ka reebitaan la siiyo weli waa inay is karantiimeeyaan.
Shaqaalaha karantiimada la maareeyo iyo xarumaha karantiimada, iyo doorarka aadka u khatarta sareeya xaga xadka si caadi ah ayaa looga baadhaa COVID-19.
Last updated: