Waji daboolka iyo Masgarooyinka | Face coverings and masks
On this page
Xirashada waji daboolka waxay ka caawinaysa joojinta faafida COVID-19 waxayna ka dhigaysaa adiga iyo kuwa kale badqab.
Waji daboolashada waxay ka caawineysa joojida faafida candhuufta ama hindhisada. Tani waxa ku jira qof qaba COVID-19 laakiin dareemaya caafimaadka oo aan lahayn astaamahii oo cad.
Inta badan dadka ma u baahna masgarooyinka caafimaadka waxay isticmaali karaan waxyabaha kale ee waji daboolka. Kuwa u baahan inay wajiga ku xirtaan ama masgaarooyinka caafimaadka ee goobta shaqada waxaa u sheegi doonaa badroonigooda.
Haddii aanad haysan daboolka wejiga, waxaad sameeyn kartaa hal am iibsan kartaa.
Waa fikrad wanaagsan inuu qof walba heysto weji daboolka kaas oo caadi ahaan ku nool gurigaaga.
Daboolada wejiga Digniinta Heerka 1
Heerka 1 ee Digniinta, weji daboolida waxaa looga baahan yahay duulimaadyada gudaha meel kasta oo New Zealand ah. Tan kuma jirto duulimaadyada gaarka ah.
Weji daboolida sidoo kale waxaa looga baahan yahay dhammaan gaadiidka dad waynaha tagaya, ka imanaya iyo sii dhex maraya Auckland. Kuwan waxaa ka mid ah tareemada, basaska, iyo basaska badda iyo darawalada baabuurta rakaabka yar sida tagsiga iyo Uber. Sidoo kale waxaa lagu daraa baska masaafada fog iyo safarada tareenka.
Dibada Auckland waxaad si aad ah loogu talinayaa inaad xidhato maaskareetada wejiga ama daboolka meelaha xidhan ay ku jiraan gaadiidka dad waynaha laakiin lama cosanayo.
Daboolka wejiga Heerka 2 ee Digniinta ama ka saraysa
Xidhashada daboolka wejiga marka aanad ilaalin karin fogaanka jidhka ee dadka aanad garanayn sida suuqweynaha wa ala dhiirigelinayaa.
Waji daboolka waa in sidoo kale dad badankiisa ay ku xiraan gaadiidka dadweynaha iyo diyaaradda. Taas waxaa ku jira tareenada, basaska, markabyadda. Sidoo kale waxaa ku jira darawaladda gawaadhida yaryar ee rakaabada sida taksiyadda iyo Uber.
Ka reebanaanta weji daboolida
Ma u baahna inay xirtaan:
- Dadka naafada ah ama jir ahaan ama xaalddaha caafimaadka dhimirka taas oo ka dhigeysa waji daboolashadooda dhibaato.
- Carruurta ka yar 12 jir
- Basaska Dugsiyada
- Rakaabyadda gawaarida yaryar sida taksiyadda iyo Uber.
- Jaatarka ama kooxaha dalxiiska
- Markabyadda isku xira jasiiradaha
- Duuliymaad gaarka ah
- Qandaraslayadda gaarka ah ee adeegyada hawada sida qalabka loo isticmaalo dalaga beeraha ee macmalka ah
- Daruufaha sida xaalad degdeg ah ama marka dadka ay u baahan yihiin inay cadeeyaan aqoonsiga ama la hadlan qof dhagool ah.
Haddii mid ka mid ah sababaha ay ku quseysom ma baahnid inaad tusto shahaado caafimaad ama dukumenti kale si aad u cadeyso sababta aadan u xaraynin waji daboolka.
Ma lagaa joojin doono inaad ku safarto gaadiidka dadweynaha.
Waa muhiim in la xusuusto dadka qaar inay lahaan doonaan sababo sharci ah, sida arrimo caafimaad, oo aysan u xiranynin waji daboolka. Ma loo baahna in loogu waco Booliska ama loo baaqo darawalka ama hantidowraha haddii aad aragto qof aan xirnayn waji daboolka.
Waxaan ognahay in badanka dadka awooda inay xidhaan daboolka wejiga ay caawin doonaan joojinta faafida iyo xidhashada hal marka ay u baahan yihiin.
Haddii dadka si kas u jabiyaan sharciyadda oo aysan ku xiranin waji daboolka gaadiidka dadweynaha oo aysan laheyn sabab sharci. Waxay wajihi karaan $300 oo xad gudub ahama in maxkamadd la soo taago oo lagu ganaaxo ilaa $1,000.
Sida loo xidho daboolka wejiga
- Hubi waji daboolidaada. Si aad u xaqiijiso inay tahay
- nadiif
- qalayl
- oo aan dilaacsanayn.
- Nadiifi gacmahaaga. Ka hor inta aad taabanin waji daboolkaaga, nadiifi oo qalaji gacmahaaga. Isticmaal midkood
- Saabuun iyo biyo
- Gacan nadiifiye (ugu yaraan aalkolo 60%).
- Gasho waji daoboolkaaha. Gali waji daboolkaaga sanka iyo afka korkooda, kadib dhuuji oo ku xir xargaha. Waji daboolka waa in
- si buuxda u dabool sankaaga, afkaaga iyo garkaaga
- si fiican ula ekeysii, laakiin ammaan ahaan ah, dhinaca ku soo jeeda wajigaaga
- oo ku ogolaanaya inaad si fudud u neefsato.
- Waxaad isticmaali kartaa mar kale, Isticmaal midkood:
- Saabuun iyo biyo
- Gacan nadiifiye (ugu yaraan aalkolo 60%).
Inta aad xiran tahay waji daboolka
Marka aad xiranayso waji daboolka waa inaad:
- ha taabanin qeybta hore ee waji daboolkaaga
- ha taabanin wajigaaga
- ka fogow inaad dhaqaajiso waji daboolkaaga, oo ay ku jirto riixida
- beddel waji daboolka haddii u wasaqoobo, dilaaco ama waxyeeloobo.
Sida la isaga siibo waji daboolka
- Nadiifi gacmahaaga. Nadiifi oo qalaji gacmahaaga. Isticmaal midkood:
- Saabuun iyo biyo
- Gacan nadiifie (ugu yaraan aalkolo 60%).
- Iska bixi waji daboolkaaga. Iska saar waji daboolkaaga oo ka sib wajigaaga. Isticmaal xargaha oo fur. Ha taabanin qeybta hore waji daboolkaaga, ka taxadar in aad taabato sankaaga, ama afkaaga.
- Nadiifi ama tuur waji daboolkaaga.
- Nadiifi marada waji daboolka adiga ku dhaqaya makiinada dharka oo leh saabuun iyo 60 digrii oo heerkulkeedu yahay. U qalaji si buuxda daboolka wejiga ka hor inta aanad mar labbaad isticmaali. Ha isticmaal waji daboolka la tuuray.
- Tuur waji daboolka halka mar la isticmaalay. Ku rid baaldiga qashinka o oleh furka lagu xiro, ama bacda shabadaysan oo tuur. Dib ha u isticmaalin ama ha isku dayin inaad jeermiska ka disho waji daboolka isticmaalka-halka.
- Nadiifi gacmahaaga mar kale. Isticmaal midkood:
- Saabuun iyo biyo
- Gacan nadiifiye (ugu yaraan aalkolo 60%).
Last updated: