Dhimashada, aaska maydka iyo baroordiiqa dhaqameed ee Digniinta Heerka 2 | Deaths, funerals and tangihanga at Alert Level 2
On this page
Waxa la sameeyo marka uu qof dhinto
Haddii uu qof dhinto:
- La xidhiidh adeeg bixiyaha caafimaadka ama dhakhtarka qofka dhintay
- La xidhiidh maamulaha aaska deegaanka ah haddii aad doonayso inaad isticmaasho mid
Haddii qofka uu dhintay:
- sabab aan la garaneyn, baadhitaanka maydka ayaa loo baahanayaa inuu dhaco. Adeeg bixiyayaashooda caafimaadka waxay ku caawinayaan marka ugu horeysa, oo Booliska waa lala soo xidhiidhi karaa
- dhib caafimaad oo la yaqaano, adeeg bixiyahooda caafimaadka wuxuu la hadlayaa maamulaha aaska dhimashada marka aad doorato hal maamule aaska ah oo gudbinayo macluumaadkaan
- COVID-19, adeeg bixiyahooda caafimaadku wuxuu kaa taageerayaa macluumaadka waxa la samaynayo inaad marka labbaad qabatid.
Dhammaan aasaska dadka dhinta iyo baroordiiqa dhaqameed
Si loo caawiyo joojinta faafida COVID-19 kuwa la xanuunsan aastaamaha hargabka waa inay guriga joogaan.
Raad raaca taabashada waa shayga muhiimka ee jawaabaheena COVID-19. Dhammaan aasaska iyo baroordiiqa dhaqameed, waxaa loo baahanyahay nidaamyada raad raaca taabashada iyo nidaamyada diyaarka ah.
Badbaado Ilaalinta —sagxadaha nadiifi, dhaq gacmahaaga oo illaalinta fogaanta jidhka halka ay suuragal tahay.
Haddii aadan ilaalin karin fogaanta jidhka ee dadka aadan garanayn, waxaanu kugula talinaynaa inaad ka fekerto xidhashada daboolka wejiga.
Aasaska iyo baroordiiqa dhaqameed oo Heerka Digniinta 2
Ilaa 100 dad ah waxay iman karaan aaska ama baroordiiqa dhaqameed Heerka Digniita 2.
Qabanqaabiyayaasha uma baahna inay iska diiwaangeliyaan Wasaardada Caafimaad si loo qabto aaska ama baroordiiqa dhaqameed.
Qabanqaabiyaha sharci ahaan waa inuu xaqiijiyaa in shuruudaha raad raaca taabashada la buuxiyo.
Isku imaanshaha sharciyeed wuxuu ku habboon yahay dhammaan aasaska dadka dhinta iyo baroordiiqa lagu qabto xaga:
- guryaha geerida
- kaniisada, masaajida iyo goobaha kale ee diinta ku salaysan
- meelaha ama goobaha la kiraysto
- hoyga gaarka ah ee la degen yahay
Macluumaadka dheeraadka ah ee ku saabsan sharciyada isku imaanshaha bulshadda https://covid19.govt.nz/everyday-life/gatherings-and-events/#social-gatherings-at-alert-level-2
Waxaanu ku talinaynaa iska ilaalinta taabashada jidhka ah sida is agacan qaadka, isku salaamida sanka, iyo xabad isa saarka haddii aad:
- la nooshahay iyaga
- aad tahay qoyska ballaadhan
- saaxiib dhow.
Inta u xadaysan dadka imanaya
Xadka dadka imanaya (ee toban, konton ama boqol) kuma jirto kaikaranga, kaikōrero xubnaha kaniisada ama shaqeele.
Kooxaha badan
Kooxaha caafimaadka waay iman karaan aaska ama aaska dhaqameed ee mooriga. Waa inaanay jiri dad ka badan dadka la xadeeyay (ama tobana, konton ama boqol). Hal koox waa inay tagtaa ka hor mida kale inta aanay iman. Labbada kooxood isku dhex darsami karaan ama isku milmi karaan.
Meesha la qeexay
Meesha la qeexay waa meesha keliya gudaha ama dibada ee ay u kala dhaxayso meelo kale.
Meesha gudahu waa meesha keliya haddii ay jiraan gidaaro si muuqda uga kala qaybinaya meesha meelaha kale. Gidaaradu waxay noqon karaan joogto ama ku mele gaadh.
meesha dibada waa meesha keliya haddii ay jiraan:
- gidaaro kala qaybiyada meeshaa ilaa meel kale — gidaarada waxay noqon karaan kuwa joogto ah ama ku meel gadh ah, ama
- at tahay ugu yaraan 2 mitir inta u dhaxaysa dhammaan dadka meeshaa iyo dadka kale (ee ka baxsan meeshaas).
Haddii ay jirto wax ka badan hal meel la qeexay, dadka waa inaanay isku darsamin dhexda meelaha la qeexay. Tan waxaa ka mid ah marka la gelayo, laga baxayo, ama la isticmaalayo musqusha.
Halka aan ka heli karo macluumaad dheeraad ah
- Talada wasaarada Caafimaadka ee dhimashada, aaska iyo baroordiiqa dhaqameed (external link)
- Macluumaakda dhimashada ka dib– Te Hokinga ā Wairua End of Life Service (external link)
- Ururka Maamulayaasha Aaska New Zealand (external link)
- Geerida talada aaska eeka timid Xafiiska Bulshooyinka Isirada kala duwan (external link)