Raad raaca Koroonaha | Contact tracing

Sida xidhiidhka raad raacu caawiyo

Raad raaca xidhiidhak waa nidaamka helida iyo la xidhiidhka qof kasta oo uu gaadhay COVID-19.

Marka qof laga helo COVID-19, Wasaarada Caafimaadka iyo Guddida Caafimaadka Degmadu waxay isticmaalaan tiro agabyo ah oo ay ku helaan cida xidhiidhka la lahayd iyada iyo cida kale oo ay dhici karto sidoo kale inay qaado cudurka.

Sida ugu degdega badan ee aanu u raad raacno xidhiidha, sida ugu degdega badan ee aanu u joojin karno faafida COVID-19.

Si loo caawiyo joojinta faafida, waxaanu ku talinaynaa inaad raad raacdo dhaqdhaqaaqaaga, oo waxaa ka mid ah:

  • Halka aad tagtay.
  • Goorta aad halkaas tagtay.
  • Cida aad kullantay.

Sida loo raad raaco dhaqdhaqaaqaaga

Waxaad ku raad raaci kartaa dhaqdhaqaaqaaga adoo:

  • isticmaalaya app-ka si aadu diiwaangeliso dhaqdhaqaaqaaga
  • haysanaya xusuuq qorka
  • haysanaya liiska meelaha badbaadada ah, ama
  • qaadaya sawirada wakhtiga taariikheed leh halka aad soo martay.

Isticmaal app-ka NZ COVID Trace ama buug yaraha haddii aad karto, haddii kale isticmaal qaab kasta oo adiga kugu habboon. Ku dhiirigeli qoyskaaga iyo saaxiibada inay si la mid ah sameeyaan.

NZ COVID Tracer app

Wasaarada Caafimaadka abka raad raaca ‘NZ COVID Tracer’ waxa uu caawiyaa inaa sameeyso xusuus qorka casriga.

Waxaad kartaa:

  • iskaan inaad saarto lambarada rasmiga ah ee QR ka soo qayb galka ganacsiyada
  • inaad ku darto diiwaanada gacanta ah ee meelaha la joogay oo aan lahayn lambarka QR.

App-kan waxaa loogu talo galay inuu ilaaliyo gaar ahanshahaaga oo uu badbaadiyo dhaatadaada.

Macluumaad kasta (aanay ku jirin macluumaadka xisaabeed ee magaca la qarinayo) oo aad siiso Wasaarada lalama wadaagi doono wakaaladaha kale ee dowladda laga reebo halka wakaalada wakaaladu ay toos ugu lug leedahay jawaabta caafimaadka dad wayanaha iyo wadaagida macluumaadka lama huraanka u aha ujeedooyinka caafimaadka dad waynaha muddada safmarka COVID-19. Weligay la iima isticmaali doono ujeedooyinka xoojinta.

Marka la soo dejisto, abka NZ COVID-19 Tracer waxa uu isticmaalaa keliya qadar yar oo xogta ah. Haddii aad ka walaacsan tahay wax ku saabsan isticmaalka dhaatada, waxaad rabtaa inaad sugto ilaa aad ku xidhanto WiFi ka hor inta aanad soo dejin abka.

Ka soo deji abka Apple App Store (external link) ama Google Play (external link)

Wax badan oo ku saabsan abka NZ COVID Tracer (external link)

Buug yaraha NZ COVID Tracer

Waxaad isticmaali kartaa buug yaraha NZ COVID Tracer si aad qoraal u hayso meesha aad joogtay haddii aanad isticmaalin abka NZ COVID Tracer. Buug yar ekasta waxa uu leeyahay 30 bog, markaas waxa uu dhammaan doonaa 1 bil.
 
Haddii aad isticmaasho buug yare, waxaanu ku talinaynaa inaad:

  • haysato buug yarahaaga markaas waxaad diiwaangelin kartaa dhaqdhaqaaqaaga mar kasta oo aad guriga ka tagto
  • weli waxaad saxeexday diiwaanada radraaca xidhiidhka marka aad booqatay meelaha sida dukaamada.

Soo deji oo daabac buug yarayaasha

Waxaad u baahan kartaa inaad habbayso madbacadasi aad u daabacdo oo bogga madhan oo badan inta aad doonto.

Dalbo buug yaraha

Buug yarayaasha waxaa la dalban karaa xidhmo 10 ah. Waxaad dalban kartaa nuqulo latfaadu ama waxaad u qaybin kartaa bulshadaada. Dalabaadku waa bilaasha oo waxay qaataan 2-3 todobaad.

Iimayl ku soo dir magacaaga, cinwaanka, iyo tirada buug yarayaasha aad u baahan tahay Covid19Response@dpmc.govt.nz

Wax badan oo ku saabsan raad raaca

Wasaarada Caafimaadka waxay haystaa macluumaad badan oo ku saabsan xidhiidhka raad raaca.

Sharax faahfaahsan ee raad raaca xidhiidhka ah, xidhiidhad adhow iyo xidhiidhada caadiga ah (external link)