Baadhitaanada dheeraadka ah ee COVID-19 ee dadka ka soo noqonaya wadamada khatartoodu sarayso | Additional COVID-19 tests for returnees from higher-risk countries

Baadhista bixida ka hor ee loogu talagalay dadka ka imanaya Ingriiska iyo Mareykanka

Ka ilaalinta fayraska waxay tahay difaacideena ugu wayn. 

Laga bilaabo 11:59 fiidnimo 15ka Janaayo 2021, dhammman safrayaasha ka tayagsa UK iyo Mareynka waxaa laga rabaa inay heystaan natiijada baaritaanka RT-PCR ee COVID-19, oo muujinaysa natiijada la qabin 72 saac ka hor bixida waxaana laga raaba inaad bixiso shaahadada shaybaarka ama nooc caddeyn kale oo la ansixiyay.

Sidoo kale waxaa socda tilaabooyinka la mid ah oo loogu talagalay safrayaasha duulimaadyada kale ee dhaadheer ee tagaya New Zealand.

Dhammaan dadka soo noqda weli waxay u baahanayaan inay maraan 14-maalmood ee go’doominta iyo nidaamka karantiil la maareeyay markay yimaadaan New Zealand. Tani waxay naga caawin doontaa inaan sii joogno ka hor heerarka caalamiga ah ee COVID-19 waxayna yareyneysaa halista COVID-19 inuu ku faafo inta lagu jiro safarka tareenka ee la gelayo xarumaheenna go'doominta la maareeyey.

Shuruudaha baadhitaanka maalinta 0 shuruudaha kuwan u soo safraya NZ ee ka imanaya wadamada khatarta sare leh

Laga bilaabo 11:59pm ee 31 Diisambar 2020 qof kasta oo imanaya New Zealand oo ka imanaya Ingiriiska ama Maraykanka waxaa looga baahan doonaa:

  • in la qaato baadhitaanka COVID-19 maalinta 0, waxa loola jeedaa marka u horaysa ee ay yimadaan go’doominta la maareeyo
  • inay joogaan qolkooda ilaa natiijada baadhitaankaas uu dhammaystirmo
  • haddii astaamaha ay leeyihiin markay yimaadaan waxay toos u tagi doonaan xarunta karantiimada.

Tani waa tallaabo dheeraad ah oo lagu bixinayo lakab kale oodifaac ah oo loogu talagalay ee New Zealand ee COVID-19 iyo nooca cusub ee faytraska ah ee ka soo baxday wadamada dibada iyo inay suuragal ahaan u faafi karaan si aad u degdeg badan.

Waxay ka mid ahaan doontaa dheecaan ka qaadista sanka PCR ee hadda dadka laga qaado.

Natiijooyinka baadhitaanka badanaa waxay qaadan doonaan 24-48 saacadood.

Haddii baadhitaanka laga waayo dadku waxay dhammaystiri doonan inta ka hadhay 14-kamaalmood ee go’doominta sida caadiga ah. Waxaa looga baahan doonaa inay qaataan baadhitaan dheeraad ah ilaa maalinta 3 ee joogidooda ilaa maalinta 12. Ugu badnaan dhammaan xaaladaha baadhitaanka aan laga helin ee COVID-19 iyo xaqiijinta kooxdeena caafimaadka inay khatar hoose ku jiraan ama gudbiyaan COVID-19 ayaa loo baahan yahay ka hor inta ayna ka tegin xarunta.

Hadddii natiijadu tahay inuu qofka qabo waxaa loo wareejin doonaa xaruunta karantiilka hore intii ay noqon lahayeen baaritaanka maalinta 0.

Macluumaad dheeraad ah 

Warbixinta ugu dambeeyay ee COVID-19, fadlan booqo
https://covid19.govt.nz/updates-and-resources/translations/

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan go’doominta iyo karantiilka la maareeyay, fadlan booqo https://www.miq.govt.nz/travel-to-new-zealand/arriving-in-nz/ (external link)

Last updated: