Meesha maaskarooyinka wajiga lagu talliyay
Maasko xirashada ayaa sii ahaaneyso qaabka ugu muhiimsan ee aan uga hortagi karno faafida COVID-19 iyo jirooyinka kale ee neefsashada ee goobaha caafimaadka iyo daryeelka naafada.
Waxaan kugula talineynaa inaad xiratid maaskaraha bilaashka ah markii aad booqaneysid adeegyada daryeelka caafimaadka, sida isbitaalada, rugaha dhakhtarka, farmashiiyada, iyo dhakhtarka ilkaha.
Dhakhtiirta daryeelka caafimaadka ayaa laga yaabaa:
- Inay ku weydiiyaan inaad xiratid maaskaro xaaladaha gaarka ah ama goobaha si gacan looga geysto illaalinta kuwa halista sareyso ugu jiro inay si daran u la xanuunsadaan COVID-19.
- Sii joogteeyaan inay ku laasimaan shaqaalaha oo dhan ama booqdayaasha kale inay ku xirtaan maaskarooyinka xaruntooda.
- Waxay u baahantahay in maaska xirashada loogu hogaansamayo waajibaadyada Caafimaadka iyo Badqabka.
Si gaar ah ayay muhiim u tahay in la xirto maaskaraha wajiga markii la booqanayo dadka halista sareyso ugu jiro inay si saran ula xanuunsadaan. Tan waxaa ku jiro dadka waayeelka iyo kaumātua, ilmaha, dadka ku nool xarumaha daryeelka waayeelka, jiran /bukaanada jiran ee isbitaalka ku jiro, kuwa qabo xaaladaha kale ee caafimaadka iyo dadka naafada ah.
Haddii uu caabuqa kugu dhacay oo aad u baahantahay inaad aragtid ama booqatid bixiyaha daryeelka caafimaadka si aad ugu heshid daryeel caafimaad naftaada, maaskaraha wajiga oo si fiican kuula eg ayaa ka hor joogsan karo qeybaha caabuqa inay ku faafaan dadka kale, illaalinta kuwa kaa ag dhow iyo gacan ka geysiga lagu yareynayo halistooda inuu ku dhaco.
Meesha maaskarooyinka wajiga lagu dhiirogeliyay
Waxaan kuugu dhiirogelineynaa inaad xiratid maaskaraha wajiga haddii aad:
- tahay Xiriirka Qoyska iyo baaritaanka maalinlaha oo 5 maalmood ah
- halis sareyso ugu jirtid inaad si daran ula jiratid COVID-19
- aad rabtid inaad yareysid halistaada inaad jiratid.
Waxaan sidoo kale kuugu dhiirogelineynaa inaad ku xiratid maaskaraha wajiga meelahaan:
- gaadiidka dadweynaha, oo ay ku jiraan basaska, tareenada dadweynaha, gudaha maraakiibta, duulimaadyada, tagaasida iyo baabuurta la wadaago
- meelaha buux dhaafa
- boosaska qaflan ee leh hawada yar
- goobaha la isku dhowyahay, sida wada sheekeysiyada waji ka wajiga.
Meelaha qaar ayaa weli ku weydiin karo inaad xiratid maaskaraha wajiga. Tan ayaa ah go’aankooda oo ma ahan markale sharuudaha dowlada.
Maaskarooyinka wajiga bilaashka ah
Waxaad heli kartaa maaskarooyinka wajiga ee bilaashka ahmarkii aad ka soo qaadaneysid baaritaanada antijeenka degdega (RATs) goobaha soo qaadashada aad tageysid. Uma baahnid inaad jirantahay ama aad qabtid aastaamaha COVID-19.
Ka raadi goobta soo qaadashada kuu dhow ee Healthpoint.
Raadi goobta baaritaanka ee bixiyaa maaskaraha wajiga bilaashka ah | Healthpoint (external link)
Haddii aad halis sareyso ugu jirtid jiro daran, waxaad heli kartaa maaskarooyinka wajiga bilaash ah P2/N95.
Last updated: at