Daawooyinka lagu daweeyo COVID-19 | Medicines to treat COVID-19

Daawooyinka ka hortaga fayraska COVID-19 ayaa caawin kara dadka halista ugu jiro inay aad ula xanuunsadaan COVID-19.

Qaadashada daawooyinka ku lidka ah fayraska ee lagu daweeyo COVID-19

Daawooyinka ku lidka ah fayraska COVID-19 ayaa loo heli karaa in lagu daaweeyo dadka u qalma ee laga helay baaritaanka ama ah xiriirka guriga ee qof laga helay baaritaanka COVID-19 ee guriga.

Waa inaad bilowdaa qaadashada daawooyinka COVID-19 shanta maalmood ugu horeyao gudaheed ee aastaamaha COVID-19.

Markii horay loogu qaato jirooyinka COVID-19, daawooyinkan waxaa laga cadeeyay inay yareyso isbitaal seexinta iyo dhimashada.

Daawooyinkaan bilaash ayay u tahay dadka qabo COVID-19. Haddii aad u qalantid, waxaa kuu suurtogaleyso inaad ka heshid qoraalka dhaqtarka bixiyahaaga daryeelka caafimaadka caadiga ah, ama daawada waxaa laga yaabaa inay ku bixiyaan qoraal la’aan farmashiyada qaar.

Haddii uu kugu dhaco COVID-19, waa inaad is gooniyeysaa marka waxaad u baahaneysaa inaad diyaarisid si ay kuugu soo gaarsiiyaan daawada saaxibada, qoyskā balaaran ama qaabab kale. Farmashiyada qaarkood ayaa soo diri kara daawada.

Sida la isku gooniyeeyo

U qalmida daawooyinka COVID-19

Dadka qabo halista sareyso ee jirooyinka daran ee COVID-19 ayaa u qalma daaweynta daawooyinka COVID-19.

Fadlan ogow: Daawooyinkan laga yaabo inaysan ku haboonaan qof walba, xittaa haddii ay buuxiyaan sharuuda u qalmida. Fadlan la tasho Dhaqtarkaaga Qoyska (GP) ama farmashiga si aad u aragtid haddii aad u qalantid ama haddii daawadaan ay kugu haboontahay adiga. 

Si aad ugu qalantid daawada ka hortaga fayraska COVID-19 waa inaad:

  • qabtaa aastaamo oo lagaa helo baaritaanka COVID-19 ama
  • qabtaa aastaamaha oo aad ahaataa xiriirka qoyska ee qof qabo COVID-19

Mid ka mid ah kuwa soo socda waa inay sidoo kale quseysaa:

  • inaad leedahay difaaca jirka oo aad u daciif ah
  • inaad qabtaa cudurka sacsacnimada
  • inaad qabtid cudurka unuga dhiiga cas
  • in horaan laguu dhigay qeybta daryeelka degdeg ah sababtoo ah COVID-19 oo markale lagaa helay baaritaanka
  • aad jirtid 65 sanno ama ka weyntahay 
  • aad tahay qowmiyada Māori ama Baasifiga oo aad jirtid 50 ama ka weyntahay 
  • aad jirtid 50 ama ka weyntahay oo aadan dhameystirin koorsadaada koowaad ee tallaalka (ugu yaraan labo garoojo)
  • aad qabtid sadex ama ka badan oo xaaladaha caafimaadka halista sareyso. (external link)

Noocyada daawooyinka COVID-19 ee la heli karo

Sadex daawooyinka ka hortaga fayraska COVID-19 ayaa loo heli karaa in lagu daaweeyo dadka u qalma ee qabo COVID-19 oo bulshada ku jiro:

  • molnupiravir (summad u leh sida Lagevrio)
  • remdesivir, dawada faleebada ah (summad u leh sida Veklury).
  • remdesivir, daaweynta faleebada (summad u leh sida Veklury).

Paxlovid

Paxlovid waxay ka kooban tahay 2 dawooyin ah (nirmatrelvir iyo ritonavir) ee aad wada qaadato. Waxay yareeyaan cadadka fayraska ku jiro jirkaaga. Waxaad qaadataa kiniiniga Paxlovid illaa 5 maalmood.

Waa muhiim in loo sheego bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ama farmashiga jirooyin walba, iyo daawooyin, daawooyinka dhirta ama kaabida aad qaadaneysid. Tani waxay saameyn kartaa badbaadada Paxlovid.

Haddii lagu siiyo qoraalka dawada ee dhaqtarka hore ee Paxlovid, waxaad weli u baahaneysaa qiimeynta caafimaadka ka hor intaadan helin daawooyinkan. Booqo Hagaha Caafimaadka ee warbixinta ku saabsan Paxlovid, oo ay ku jiraan sida loo qaato, waxa laga fakaro ka hor intaadan qaadan, iyo saameynta caafimaadka suurtogalka ah.

Waxaa jiro macluumaad xaga hoose ee ku saabsan soo noqodka suurtogalka ah ee aastaamaha COVID-19 dhawaan kadib dhammaystirka ku daaweynta Paxlovid.

Macluumaad badan ee ku saabsan Paxlovid – Hagaha Caafimaadka (external link)

Molnupiravir

Molnupiravir (Lagevrio) waa daawo yareysaa cadadka fayraska ku jiro jirkaaga. Waxaad qaadan kartaa kaabsoolka molnupiravir illaa 5 maalmood.

Booqo Hagaha Caafimaadka wixii macluumaad ah ku saabsan molnupiravir, oo ay ku jiraan sida loo qaato, waxa laga fakaro ka hor intaadan qaadan, iyo saameynta caafimaadka suurtogalka ah.

Warbixin dheeraad ah ee ku saabsan molnupiravir – Hagaha Caafimaadka (external link)

Remdesivir 

Remdesivir (Veklury) waa daawo yareysaa cadadka fayraska ku jiro jirkaaga. Waxaa la siiyaa hal mar maalintii, caadi ahaan illaa 3 maalmood. Waxaa laga siiyaa durid tartiib ah ee xididkaaga (ee loogu yeero faleebada xididka laga qaato), in ka badan 30 illaa 120 daqiiqo. Doorashadan waxaa inta badan laga helaa isbitaalka laakiin waxaa sidoo kale laga heli karaa dhinaca adeeg bixiyayaasha bulshadda qaar sidoo kale, sida goobaha baadiyaha

Booqo Hagaha Caafimaadka wixii macluumaad ah ee ku saabsan remdesivir, oo ay ku jiraan markii la siiyo iyo saameynta caafimaadka suurtogalka ah.

Warbixin badan ee ku saabsan remdesivir – Hagaha Caafimaadka (external link)

Haddii laga helo baaritaanka COVID-19

Ka helida qoraalka daawada dhaqtarkaaga guud (GP)

Haddii aad u maleysay inaad u qalmi kartid, kala hadal taleefon ahaan dhaqtarkaaga guud ee caadiga ah (GP) wax ku saabsan helida qoraalka dhaqtarka ee daawada COVID-19 ee adiga kugu haboon. Waxay kugu caawinayaan jimicsiga haddii ay kugu haboontahay daawada ka hortaga fayraska. Waxay ku xidhnaan doontaa dhowr xaqiiqo, oo ay ku jiraan da’daada, qowmiyada, xaaladaha kale ee caafimaad iyo heerka tallaalka.

Ka helida daawooyin farmashiga

Haddii aad u maleysay in laga yaabo inaad u qalantid, waxaa kuu suurtogaleyso inaad heshid daawooyinka COVID-19 iyada oo aan jirin qoraalka dhaqtarka farmashigaaga deegaanka. Kula hadal farmashigaaga deegaanka taleefon ahaan si aad u aragtid haddii ay midaas kugu haboontahay. Farmashiyada waxay sameynayaan qiimeyn caafimaad oo hubiyaan u qalmidaada ka hor intaanay daawo bixin.

Farmashiyada bixinayo ka hortaga fayraska ayaa laga heli karaa Healthpoint (external link).

Qoraalka dawada ee dhaqtarka waxaa looga baahanyahay farmashiyadaan. (external link) 

Ma jiraan qoraalka dawada ee dhaqtarka ee loo baahanyahay xaga farmashiyadaan. (external link)

Qoraalada daawada hore loo sii qoray ee daawooyinka COVID-19

Haddii aad halis ugu jirtid jirooyin daran oo COVID-19, waxaa kuu suurtogeli karto inaad ka heshid qoraal daawo dhaqtarkaaga guud ee caadiga ah ka hor intaadan xanuunsan. Tan ayaa loola jeedaa in farmashiga ay diyaarinayaan qoraalka daawada si ay u isticmaalaan haddii ay jiranaato. Haddii lagaa helo baaritaanka oo ay kugu dhacaan aastaamaha, waxaad ka dib diyaarin kartaa in daawada ay ku soo diraan saaxibo ama qoys, ama qaabab kale, sida farmashigaaga oo xaaladaha qaar.

La hadal bixiyahaaga daryeelka caafimaad si aad u aragtid haddii qoraal helida ka hor intaadan jiran inay kugu haboontahay. Waxaad heli kartaa qoraalka dawada ee dhaqtarka ee hore si aad ugu qaadatid dibada haddii ay dhacdo in COVID-19 kugu dhaco adiga oo safrayo.

Soo noqodka aastaamaha ka dib daaweynta

Dadka qaarkood, aastaamaha ayaa soo laaban karo kadib dhammaystirka koorsada Paxlovid. Tan waxaa loo yaqaan sida dib ugu laabashada Paxlovid.

Dadka la kulmayo dib ugu laabashada Paxlovid uma muuqdaan inay si daran u jiradaan. Aastaamaha ayaa badanaa dhexaad ah iyo caadi ahaan waxaa lagu xaliyaa sadex maalmood gudahood.

Caadi ayay u tahay dadka qaar ee ka bogsanaya COVID-19 si ay u yeeshaan aastaamaha yimaada ee taga waqtiga qaar, iyada oo aan laga eegin haddii ay qaateen daawooyinka ka hortaga fayraska.

Waa inaad joogtaa guriga oo aad bogsataa illaa 24 saac kadib marka aadan laheyn aastaamo kale haddii:

  • aastaamahaaga soo laabtaan kadib markaad dhameysatid garoojada shanta maalin ee Paxlovid,
  • iyo waa 28 maalmood ama kayar tan iyo intaad kowdii kugu dhaceen aastaamaha ama lagaa helay baaritaanka.

Looma baahno inaad qaadatid garoojo kale oo Paxlovid haddii aastaamahaaga soo laabtaan muddada wakhtigan.

Ka aqri wax ku saabsan dib u qaadida COVID-19 (external link)

Haddii aad qabtid xaalada caafimaadka qarsoon ama aastaamahaaga ay ka sii darayaan, ka soo wac Healthline 0800 358 5453 ama bixiyahaaga daryeelka caafimaadka caadiga ah.

Last updated: at