Sida loo isticmaalo foomka raadraaca u dhawaanshaha COVID-19 | How to use the COVID-19 contact tracing form
Ku saabsan foomka raadraaca u dhawaanshaha COVID-19
Wadaagida faafaahinta ee meesha aad ku maqneyd waxay ka caawisaa in si dhaqso ah loo ogaado goobaha halista sareyso ee laga yaabo inay u baahato taageero lagu illaalinayo kuwa inta badan nugul ee bulshadeena.
Foomka raadraaca u dhawaanshaha COVID-19 ayaa kuu ogolaanayo inaad wadaagtid:
- Xiriirka iyo faafaahinta caafimaadka
- Aastaamaha
- Xiriirada qoyska
- Goobaha halista sare
- Qoraalka Raadraaca COVID iyo xogta Bluetooth
Kadib markaad soo celisid laga helo PCR, ama aad xareysid natiijadaada laga helay ee RAT, waxaa lagaaga soo dirayaa linki iyo koodhka gelitaanka fariin qoraal ahaan oo lambarka 2328 si aad u buuxisid foomkaan. Buuxinta foomkaan waxay qaadan kartaa illaa 20 daqiiqo.
Haddii aad dhibaato ku qabtid foomkan, iimeel ku soo dir help@tracingform.min.health.nz ama so wac 0800 555 728.
Wasaarada Caafimaadka ayaa u keydiyo warbixintaan si xafidan. Waxaa kaliya oo loo isticmaalayaa raadraaca u dhawaanshaha iyo aqoonsashada taageero walboo dheeraad ah ee aad u baahan karto. Warbixinta waxaa lala wadaagaa oo kaliya hay'adaha ku caawinayo shaqadaan. Akhri foomka raadraaca u dhawaanshaha COVID-19 bayaanka qarsoodiga ah (external link).
Adigaoo adeegsanayo foomka raadraaca u dhawaanshaha
Markii aad bilowdid nidaamkaan, ku buuxi foomkaan hal fadhi oo isla aalada iyo websaydka si aad uga fogaatid inaad weysid xogta aad horaan u gelisay.
- Geli koodhkaaga gelitaanka oo xaqiiji aqoonsigaaga taariikhda dhalashadaada. Xullo ‘Get started’.
- Aqri sida macluumaadka aad sheegtay loo adeegsanayo. Sax sanduuqa oo dooro ‘Accept and continue’.
- Sheeg sharaxaadaha xiriirka kale, oo ay ku jiraan ciwaanka meesha aad isku gooniyeyneysid.
- Dooro haddii aad naafooyin qabtid, oo ay ku jiraan haddii aad tahay qof naafo ah ama tāngata whaikaha Māori (Māori curyaan ah).
- Dooro haddii aad uur leedahay ama aad dhashay lixdii todobaad ee la soo dhaafay.
- Dooro haddii laga yaabo in difaaca jirkaaga liito (tusaalooyinka xaaladaha la sheegay).
- Sheeg faafaahina xaaladaha caafimaadka daran ee laga yaabo inaad qabtid.
- Qor aastaamaha aad la kulantay iyo goorta ay bilowdeen. Haddii aadan yeelan wax aastaamo ah, xaqiiji midaan oo waxaan adeegsaneynaa taariikhda baaritaankaaga si loo go’aansado muddada caabuqaaga.
- Sheeg faafaahintaa xiriirada qoyskaaga, oo ay ku jiraan dadka aadan si joogta ah ula nooleyn, laakin aad la nooleyd qaar ka mid ah muddada caabuqaaga.
- Qor haddii aad jirtay meel ka mid ah goobaha halista sareyso ee qoran inta lagu jiray muddada caabuqaaga.
- Maalin walba ee muddada caabuqaaga, waxaa lagu weydiinayaa haddii aad ku maqneyd meel ka mid ah goobaha halista sareyso.
- Ogeysii xiriiradaada dhow iyo goobta shaqada/machadka waxbarashada inaad qabtid COVID-19. Kuwaan waa dadka aad la isticmaashay waqiga inta lagu jiray muddada caabuqaaga adiga oo aan xirneyn maaskaro. Waxay u baahanayaan inay iska kormeeraan aastaamaha COVID-19 oo 10 maalmood oo is baar haddii noqdaan ay aastaamo noqdaan.
- Dib u eeg oo gudbi warbixinta aad sheegtay. Waxaa laguula soo xiriiri karaa sharaxaado badan.
- Wadaag sharaxaadaha xasuus qorka Raadraaca COVID, haddii ay waxjiraan. Koodhka xareynta qoraalka waa isla koodhka aad u isticmaashay inaad ku gashid foomka raadraaca U dhawaanshaha COVID-19 ee SMS-ka aad heshay.
- Haddii aad u baahantahay wax taageero ah ee kaa caawiyo inaad is gooniyeysid, waxaan ku siin karnaa linki aad kaga codsatid midaan Wasaarada Hormarinta Bulshada (MSD). Xullo ‘Yes’ ama ‘No’.
- Qor macluumaad ku saabsan waxa dhaco marka xigta, sida la isu gooniyeeyo, iyo sida loo helo dhaqaalo iyo taageero kale.
Last updated: at