Caawimada marka aad karantill | Help while you are isolating

Badanka dadka qaba COVID-19 waxay lahaan doonaan astaamaha degen ilaa dhexdhexaad ah oo waxay awoodi doonaan inay ku maareeyaan xaga guriga. Laakiin is go’ doominta sababtoo ah COVID-19 caawimadeeda waa la heli karaa haddii loo baahdo.

Taageerada la heli karo

Inta badan dadku waxay ku maarayn karaan caawimada qoyska iyo saaxiibada. Markaas haddii adiga iyo qoyskaaga aad u baahan tihiin taageero dheeraad ah marka aad weli is karantiilayaan, waxaad awoodi kartaa inaad hesho qayb caawimo dheeraad ah sida:

  • saadka laguu soo diro
  • lacagta la bixinayo kharashyada degdega ah iyo lama hiraanka ah, sida cuntadda, dawada iyo qaybo biilaasha ah.
  • Taageerada ka timid kooxaha bulshadd, a iwi iyo kooxaga Baasifiga aagaaga.

Codso caawimada marka aad is karantiisho

Qof kastaa waxa uu ka codsan karaa caawimada haddii ay ubaahdaan — uma baahnid helida dheefta.

Waxaad soo waci kartaa laynka daryeelka COVID bilaash lambarka 0800 512 337, 8 subaxnimo ilaa 8 habeenimo, 7 maalmood.

La xidhiidh

La xidhiidh saaxiibadaa iyo qoyska, iyo kooxa kasta oo bulshadda ah oo aad la xidhiidho. Waxay awoodaan:

  • inay hubiyaan sida aad dareemayso
  • hubiyaan haddii aad u baahan tahay saadka aasaasiga ah sida cuntadda iyo dawooyinka.

Haddii aad u baahantahay caawimada caafimaadka

Haddii astaamahaagu ay ka sii daraan ama aad ubaahan tahay daryeelka caafimaadka degdega ah, soo wac adeeg bixiyahaaha daryeelka caafimaadka maxaliga ah ama Healthline lambarka 0800 358 5453.

Haddii adiga ama qofka qaba COVID-19 ku dhacdo dhibaatada neefsashada, xanuunka daran ee xabadka, suuxdinta ama uu miyir beelo, soo wac 111 isla markaaba.

Taageerada dhaqaale

Waxaa jirta tageerada maaliyada ee dadka u baahan inay guriga joogaan iyaddoo ay ugu wacan tahay COVID-19.

Taageerada dhaqaale

khadka caawinta iyo taageerada fayo qabka

Haddii aad dareento inaanad la qabsanayn, ama aad walaacyo ka qabto kuwa kale, waa muhiim inaad kala hadasho xirfad yaqaankaaga caafimaadka.

Hel laymanka caawimada si aad taageero u heshot

Last updated: at